Wiilka uu Sodogga u yahay Trump oo Dalbaday in la Badbaadiyo Dhaxal sugaha Sacuudiga

690

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Jared Koshner oo qabo gabadha Trump isla markaana ka mid ag la taliyeyaasha sare ee aqalka cad uu isku dayaayo inuu ku qanciyo Trump in mareykanka uu is garab istaago dhaxl sugaha Sacuudiga Boqor Maxamed Bin Salman oo lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa dilkii wariye Sacuudiyaan ah oo la layahay meel uu jaan iyo cirib dhigay kadib markii uu galay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Wargeyska oo laga leeyahay Mareykanka oo ka soo xigtay ila wareedya u gaar ah ayaa cadeeyey in sodogga madaxweynaha uu ku dadaalayo inuu ku qanciyo Trump in “Fadeexada” kiiska Wariyaha Jamal Khashoggi ay ugu danbeyntii iska soo xirmi doonta, ayna haboontahay mareykanka in hadda uu garab siiyo Sacuudiga.

Trump ayaa wareysi gaaban oo ku siiyey aqalka cad (Wite House) isla wargeyska ayaa yiri ” waa nasiib darro, dhacdadaani waxay soo jiidatay dunida oo dhan”.

Madaxweynaha oo warkiisa sii wato ayaa yiri, eedaynta ah in bin Salman uu ku lug leeyahay dilka wariya Khashoggi waxay keeneysaa in su’aala la galiyo is baheysiga u dhaxeeyo Maraykanka iyo Sacuudiga.

Wargeysa ayaa yiri ,Trump ayaa bilaabay inuu iska fogeeyo Maxamed bin Salman, mar uu la hadlaayey Xulafada Mareykanka, waxuuna yiri ” wax yar ayaan ka aqaana Bin Salman, waxuuna dhayelsaday xiriirka dhaw ee ka dhaxeeyo Bin Salman iyo koshner oo ah sodogga Downald Trump.

Trump oo horay ula saftay boqortoyada Sacuudiga ayaa waxaa is badal ku yimid mowqifkii  uu kataagnaa arintaasi kadib markuu warbixin kooban oo ku saabsan kiiska wariyaha ka dhageystay Xoghaya Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo oo booqasho ku tagay dalka Sacuudiga iyo Turkiya dhawan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here