Putin: Ruushiyaanka waxay galayaan “Janno” hadduu dhaco dagaal Nukliyeer ah.

330

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushiyanka “Jannada” galayaan haddii uu dhaco dagaal Nukliyeer (nuclear) ah oo galaafta noloshooda.

Inkastoo uu cadeeyey madaxweynaha in Ruushka uusan wax colaad ah wadin balse hadana waxuu ku hanjabay in ay baabbi’in doonaan gardarraloow kasta oo isku dayayo inuu u adeegsado hubka nukliyeerka dalkiisa.

Madaxweynaha Ruushka ayaa isagoo hadlkiisa sii wato yiri: haddii uu dhaco dagaal nukliyeer ah, Moosko ma noqoneyso tan bilawda musiibo noocan ah, maxaa yeelay ma aaminsanin fikradda ku dhisan “preventive attack”.

Sanadkii 2015 ayaa isagoo ka jawaabaya joogitaanka millatariga NATO ee xuduudaha Russia ayuu Putin amar ku bixiyay in la xoojiyo lana casriyeeyo hubka nukliyeerka ee Ruushka .

Hadal uu ka jeediyay Putin Golaha Duma ee Ruushka bishii March ee 2017 ayaa sidoo kale uu amaanay hubka Ruushka, isagoo ku tilmaamay mid aan loo babac-dhigi karin, taas oo laga cabsi qabo inay keento inay sii Kordhan dib usoo noqoshada tartanka hubka ee u dhexeeya Ruushka iyo Mareykanka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here