Madaxweyne Waare oo soo dhaweeyey shirka uu ku baaqay guddoonka Aqalka Sare

1938

Jowhar (STN) –Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa soo saaray war saxaafadeed jawaab u ah  baaqii shalay ka soo baxay Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee la xariiray shir looga arinsanaayo xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filaayo sanadkaan dhamaadkiisa

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Hirshabelle ay dhaweyneyso shirka uu ku baaqay guddoonka Aqalka Sare, si looga arrinsado xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Waare ayaa shaaciyey in dowladiisa ay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato shuruud la’aan kulan kasto oo xal loogu raadinaayo arrinmaha  masiiriga ah ee na horyaal, sida ka tashiga doorashooyina, amniga iyo horumarka wadanka.

Waxaa horey usoo dhaweeyay  shirka uu ku baaqay guddoonka Aqalka Sare maamulada Puntland iyo Jubbaland, halka Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si weyn u taageera dowlada federaalka Soomaaliya aysan wali ka hadlin baaqa aqalka sare ee ku aadan in shir deg deg ah isugu yimaadaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com