Talooyin Fiican oo aad Ku farxad Galinkarto Waalidkaaga

215

Mar walbo oo waalidkaa da’adiisu waynaato,  waxuu u baahanyahay daryeel gaar ah iyo inaad  jaceyl  tusto  xitaa hadii aad adiga  waynaato oo aad noqoto aabo xaas  iyo caruur leh.

Waxaa jira 4 waxyaabood oo  fudud oo aan kugu kalifeyn  wax badan, hase yeeshee hadaad sameyso  farxad galineyso waalidkaaga,  sida aad ka eegi  doonto warbixinta soo socota.

1) La xiriir
Hadii aad kala fogtihiin waalidkii la xariir mar waliba.  In aad waalidkaa  telefoonka ka wacdo waqti ka waqti , ama si joogto ah maalinkii  dhowr jeer aad u wacdid,  amaba xitaa aad soo booqatid  ayaa ah arin aad u wanaagsan oo kor u qaadi karto mooraalkiisa, waxuu dareemi waalidkii inuu jiro qof daryeelaayo oo jecel  isla markaana daneynaayo inuu ogaado waxyaabaha ay u baahanyihiin isla markaana  ka caawin karo.

2) Guriga
Guriga ayaa ah meesha  ugu badan ee waalidka ku qaataan badanaa waqtigooda, Maaddaama ay sii waayeeloobaan,   araggoodana uu sii daciifayo ku dadaal sidii ay ugu raaxaysan lahaayeen hooygooda, iftiinka guriga oo dhan xooji,  sidoo kale ka saara  guriga waxyaabaha ay u baahneyn  ama keeni  karaayo in ey ku kufaan amaba  culays u keeni karo dhaqdhaqaaqooda.

3) Dhaqaalee
Markuu waayeeloobo waalidka, waxaa uu  jecelyahay inuu ku dadaalo Aakhiradiisa, Waxaa laga yaabaa inuu ka fikraayo wax un inuu  sadaqeysto maalintii, ama uu saacido dad qaraaba ah  oo aadan ogeyn  adiga baahiyadooda, marka waliidkaa u qoondee lacag, taasoo uu markuu u rabo ku caawiyo  dadka kale, waayo howlahaasi caawimaada ku saabsan waxay dhisaysaa moraalkooda niyadeed.

4) Daryeel.
Markii la eego Marxalada uu ku jiro waalidka ee gabowga ah,  waxaa muhiim ah  inaad dhakhtar geeysaa mar waliba oo aad waxyar oo xanuun ah ka dareento, tilaabadaasi ayaaa waxa ay dareensiini  in aad mudnaan siineyso waalidkaa noloshooda, waxay dareemayaan  markaad yareed sidii ay kuugu dadaali jireen oo marwalba wax kugu dhacaan dhakhtar kuula ordi jirteen oo kale inaad u sameyneyso.
Sidoo kale ogow dabeecadahooda,  cunada ay  jacelyihiin iney qaataan, amaba ku haboon da’deeda,  iskuna day inaad ka caawiso inay joogteeyaan cunadaas.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here