Shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada oo Muqdisho ka daah furay R/wasaare ku-xigeenka dalka

117

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Fikirka xagjirka ah uu ku cusub yahay Soomaaliya,islamarkaana uu yahay aragti la soo dhoofiyay.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad nabada jecel,dhex dhexaadna ah shaqana ku lahayn Fikirka Xagjirka.

Sidoo kale, waxaa shirka Badqabka Fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ka hadlay  mas’uuliyiin ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC),kuwaas oo sheegay muhiimadda ay leedahay in nabad lagu wada noolaado.

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

STAR TELEVISION NETWORK (STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here