Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Tababar Usoo Xiray Ciidamo Loo Diyaariyay Qorsha Sugidda Amniga Caasimadda+SAWIRRO

251

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa munaasabad maanta lagu qabtay xarunta tababarka ciidanka booliiska ee General Kaahiye waxa uu tababar ugu soo xiray 1,400 ciidamo booliis ah oo kamid ah 3,000 oo askari oo loogu tala galay fulinta qorshaha sugidda amniga caasimadda dalka.

Ciidamada tababarka loo soo xiray oo laga soo xulay degmooyinka gobalka mudda afar bilood ahna la barayay sharciyada booliiska iyo la dhaqanka bulshada ayaa la geynayaa degmooyinka uu ka koobanyahay gobalka Banaadir si loo dardar geliyo qorshaha sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada booliiska ah ee tababarka loo soo xiray waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran sugidda amniga, isla markaana ay xoojiyaan kalsoonida ay shacabku ku qabaan booliiska oo ah wehelka bulshada.

Halbeegyada Tubta Amniga iyo Cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah tayaynta iyo tababarka ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay ugu guulaystaan sugidda amniga dalka si bulshada Soomaaliyeed u hesho nabadgelyo buuxda.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here