Qaraxyo Is xigxiga oo kadhacay Muqdisho

331

Wararka aan ka helayno agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari qarax ka buuxo uu halkaasi ku qarxay.

Gaarigaan ayaa la sheegay inuu si xoog ah ku soo dhaafay Koontarool Ciidamada Booliska ku leeyihiin agagaarka Isgoyska dabka, kadibna Ciidanka rasaas ay ku fureen gaariga.

Wararka ayaa sheegaya gaariga oo ku socda xawaare dheereeya inuu ku qarxay Koontaroolka Sayidka, islamarkaana jugta Qaraxa si wayn looga maqlay Magaalada gudaheeda.

Xilliga Qaraxan gaariga uu dhacaayay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in laga soo baxay Kulankii Baarlamaanka ee maanta ku lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxaan gaari ee goor dhaw ka dhacay agagaarka Koontaroolka Ciidanka Militariga ee Isgoyska Sayidka.

Sidoo kale jugta Qarax kale ayaa laga maqlay agagaarka bar koontarool oo kutaala isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho, balse wali lama haayo faah faahin rasmi ah oo ku aadan Qaraxaasi.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here