Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

1904

Muqdisho (STN) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa waxa halkaasi laga soo sheegaya in xalay muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ahaa lagu dilay.

Marxuumka oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed Xasan ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape Town.

Waxaana goobta gaaray mar dambe  ciidamo ka tirsan Booliska wadankaasi, halka Raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Lama oga ilaa iyo hada ciid ka danbeysay dilka marxuumka laakin waxaa jiro warar sheegayo in kooxo burcad Koofur Afrikaan ah ay ganacsadahan ku dileen Xaafad lagu magacaabo Samora ee ka tirsan magaaladaasi.

Dilalka loo geysto Soomaalida ee ka dhaca Koonfur Afrika ayaa ah inta badan ah kuwo soo laalaabta, iyadoo tan iyo wixii ka dambeeyay 2004-tii ay sii kordhayeen Soomaalida lagu dilayo dalkaas.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com