Madaxweynaha Somaliya oo furay Shirka u dhaxeeya dowladda iyo Maamul Goboledyada (SAWIRRO)

134

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw  Magaalada Garowe ka furay shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka,Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Shirkan waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ,Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow).

Shirkaan oo uu martigelinayo Maamulka Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin xalinta khilaafka dowladda iyo dowlad Goboleedyada,arrimaha Siyaasada , Amniga, Dastuurka iyo Cadaaladda.

Shirkan oo ahaa kii ugu xasaasinaa oo ay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in geba-gabadiisa laga soo saaro War-murtiyed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

STAR TELEVISION NETWORK(STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here