Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo Garowe ku geeriyooday

87

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa maanta oo sabti ah ku geeriyooday Magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Allaha u naxariistee Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sida la sheegay waxaa ku soo booday xanuun de deg ah, kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday.

Marxuum Cabdirashiid ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Puntland lagu aas aasay, wuxuuna Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2009 illaa 2013, sidoo kale wuxuu Wasiirada Howlaha guud iyo Kalluumeysiga Puntland ahaa intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018.

Marxuum Cabdirashiid ayaa Aas qaran loogu sameyn doonaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Madaxda Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuumka, waxaana ehelada Marxuumka uga tacsiyadeeyay geeridaasi.

STAR TELEVISION NETWORK (STN TV)
Xafiiska Muqdisho
info@stnsomali.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here