Dad Shacab ah oo ay Ciidamada Dowlada Federaalka Somaliya ku Laayeen Xuduuda Hiiraan iyo Xiisad ka Dhalatay +SAWIRO

323

Abaaley (STN) Р6-qofood ayaa ku geeriyootay tira kaloo badani waa ay  ku dhaawacmeen inta la og yahay ka dib markii ciidamadii Dawladda Federalka Soomaaliya ee Degmada Baladwayne joogay oo u abaabulnaa qaab qabiil ay ku laayeen dad shacab ah deegaanka Abaaleey oo hoos yimaada Degmada Feer-Feer ee ka tirsan Dowlad Deegaanka Saomaalida.

Mahad Xasan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeela isla markaana ah Xildhabaan ayaa sheegay in ciidama wato gaawirada Milatariga Soomaaliya ay dad beeralay ah ku laayeen deegaanka Abaaley ee saaran xuduuda Itoobiya iyo Somaliya.

Tilaabadaani ay ciidamada uga gudbeen xadka ay Soomaaliya lawadaagto Itoobiya, uguna laayeen dadka shacab ah gudaha Itoobiya ayaa la sheegay in ay qaadeen iyagoo garab siinaayo beel gaar ah oo dhul balaarsi xoogan ka wada xadkaasi.

Colaadaha ay ciidamada dowlada ku lug leeyihiin ayaa ku soo noqnoqday deegaannada xuduudaha ee Gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya, Hada kahor ayay ahayd markii sidaan ookale dagaalo iyo barakicin loo gaystay dadka dago Deegaanada Deefoow iyo Kabxanley iyo dhinacakale in sidaan ookale maalin dhaw ay colaad ka huriyeen isla ciidankan dowlada deegaanka Jawiil.

Lama oga tallaabada ay qaadayaan Ciidanka itoobiya iyo Ciidamada Liyuu-Police ka ee DDS ee shalay hoostooda lagu laayay dadkaa Beeraleeyda ah ee ay amaankooda ka masuulka ahaayeen.